Soo dhowoow

Skolekassa på ski i vinterlandskap.


Skolekasse waa mareeg leh xiriiriyayaal (linkiyo) kuwaas oo kaa caawinaya inaad heshid mareegyo iyo barnaamijyo aad ka baran kartid af-noorwiiji, xisaab, saynis, ingiriis iyo maadada cilmiga bulshada. Mareegyadu qaarkood waxay leehihiin caawinaad-afeed ku qoran afaf kala duwan. Boggaga kalena waxay leehiin af-caawin ku qoran kaliya af-noorwiiji ama ingiriisi. Haddii aad gujisid xiriiriye (link) waxaad tegaysaa mareeg cusub oo dibadda ka ah Skolekasse. Qaar ka mid ah boggaga aan halkan ku xirayno waa furan yihiin. Kuwan waad adeegsan kartaa adigga oo aan gelin. Bogagga kale waxay kaa doonayaan inaad ku gashid FEIDE. Haddii aad gelitaanka caawinaad uga baahan tahay, waydii dadka jooga dugsigaaga.

Dhinaca bidix waxaad ka heli kartaa liis. Halkan waxaad ka dooran kartaa maaddooyin. Haddii aad dhigatid fasalada isku dhafan (kombinasjonsklasse) ama waxbarashada dadka waaweyn, ugu horeyntii ku dhufo heerkaaga ka dibna ku dhufo maadada. Waxaad kala dooran kartaa afafka noorwiiji (bokmål), norwiiji (nynorsk), carabi, daari, ingiriis, kurmanji, Baashto, tigrinya, soomaali, yukreeni iyo ruush. Sidoo kale liiska luuqadaha ku yaala qeybta kore dhanka midig ayaad luuqadaha ku kala beddelan kartaa.

Siste nytt på Skolekassa

Aftenposten Junior

Aftenposten Junior

Les nyheter og aktuelle saker om blant annet: sport, dyr, vitenskap, kjendiser og gaming.

I arbeidslivet

I arbeidslivet

I arbeidslivet (nolosha shaqada) waa buug waxbarsho oo ku saabsan cilmiga nolosha shaqada kaas oo loogu talo galay dadka waaweyn ee soogalootiga ah.