Soo dhowoow

Skolekassa 10 år
Bilde: NAFO

Skolekasse waa mareeg leh xiriiriyayaal (linkiyo) kuwaas oo kaa caawinaya inaad heshid mareegyo iyo barnaamijyo aad ka baran kartid af-noorwiiji, xisaab, saynis, ingiriis iyo maadada cilmiga bulshada. Mareegyadu qaarkood waxay leehihiin caawinaad-afeed ku qoran afaf kala duwan. Boggaga kalena waxay leehiin af-caawin ku qoran kaliya af-noorwiiji ama ingiriisi. Haddii aad gujisid xiriiriye (link) waxaad tegaysaa mareeg cusub oo dibadda ka ah Skolekasse. Qaar ka mid ah boggaga aan halkan ku xirayno waa furan yihiin. Kuwan waad adeegsan kartaa adigga oo aan gelin. Bogagga kale waxay kaa doonayaan inaad ku gashid FEIDE. Haddii aad gelitaanka caawinaad uga baahan tahay, waydii dadka jooga dugsigaaga.

Dhinaca bidix waxaad ka heli kartaa liis. Halkan waxaad ka dooran kartaa maaddooyin. Haddii aad dhigatid fasalada isku dhafan (kombinasjonsklasse) ama waxbarashada dadka waaweyn, ugu horeyntii ku dhufo heerkaaga ka dibna ku dhufo maadada. Waxaad kala dooran kartaa afafka noorwiiji (bokmål), norwiiji (nynorsk), carabi, daari, ingiriis, kurmanji, Baashto, tigrinya, soomaali, yukreeni iyo ruush. Sidoo kale liiska luuqadaha ku yaala qeybta kore dhanka midig ayaad luuqadaha ku kala beddelan kartaa.

Siste nytt på Skolekassa

Bæsj og bærekraft - Vitenparken Campus Ås

Bæsj og bærekraft – Vitenparken Campus Ås

Lær om jordas kretsløp gjennom bok, film, spill og aktiviteter på norsk og tolv minoritetsspråk.

FOKUS Samfunnskunnskap – Aunivers

FOKUS Samfunnskunnskap – Aunivers

250 sharraxaad oo ku saabsan fikradaha muhiimka ah iyo 10 fiidyow oo fikrado ah, oo leh qoraal ku baxaya 11 luqadood oo laga tirada badan yahay iyo af Ingiriisi.